U bood dhigaalka

Dhageyso: Carruur Uu Soo Ritey Cudurka Jadeecada Oo La Geeyay Isbitaal Ku Yaalla Bandiiradley, Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in Isbitaal ku yaalla halkaasi la jiifay carruur uu soo ritey cudurka Jadeecada.

Lix Carruur ah oo isku qoys ah ayaa la seexiyey isbitaalkan, kadib markii uu cudurkaan soo ritay.

Saciid Cabdi Kadiye, Agaasimaha isbitaalka Bandiiradley ayaa sheegay in xaaladda carruurtan ay wanaagsan tahay, kadib markii ay daweyn ku bilaabeen.

Waxa uu agaasimaha ku booriyey dhammaan shacabka ku dhaqan deegaankaasi iyo nawaxigiisa iney caruurta geeyaan goobaha caafimaadka marka ay cudurkaan ku arkaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News