U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamada Booliiska Oo Qabtay Nin Xaaskiisa Ku Gowracay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in maanta barqadii uu xaaskiisa ku gowracay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ninkaan ayaa la sheegay in markii uu mindida ku gowracay xaaskiisa oo u haysay 8 canug uu jar jaray jirkeeda.

Ibraahim Shaleyste oo ah guddoomiyaha Garasbaaley ayaa u sheegay Goobjoog, in ninkan markii lasoo qabanayey ay la dagaallamayeen dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in hadda ninkaasi lagu hayo saldhiggan Galbeed, islamarkaana la baarayo.

Lama oga waxa kallifay in sidan uu u dilo xaaskiisa, iyadoo xaaladda caafimaad ee ninkan warar kala duwan laga sheegayo, iyadoo dadka qaarna ay sheegayaan in mar madaxa looga jiray.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News