U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamada Galmudug Oo Sameeyay Howlgal Miino Saaris Ah

Sheeko:Dalka

Howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka Galmudug iyo kuwa Miino baarista ayeey ku guuleysteen iney soo saaraan Miino aan weli qarxin, taasi oo ku duugneyd waddo muhiim ah oo ku taalla duleedka magaalada Gaalkacyo.

Dadka deegaanka ayaa gacan ka geystay soo saarista Miinadan, waxayna dadkaan sheegeen in dhibaatooyin badan ay weli ku harsan yihiin deegaanka, loona baahan yahay in gacan laga geysto soo saaristooda.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan halka Miinadan laga soo saaray ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga ay arkeen, islamarkaana ay maamulka ku wargeliyeen.

Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre ayaa ka codsaday hay’adaha Miino baarista iney ka hortagaan miinooyinka weli ku aasan deegaannada Mudug, gaar ahaan kuwa ku dhow Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in Miinada maanta ay soo saareen ay ahayd nooca Ruushku sameeyo, halkaasina ay ku aasneyd muddo ka badan 20 sano.

Deegaanno badan oo Mudug iyo Galgaduud ah waxaa dadka saameeya haraadiga walxaha qarxa oo weli yaalla halkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News