U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamada Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin La Sheegay Inuu Aasayey Walxaha Qarxa

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, islamarkaana doonayey in walxo qarxa ku aaso magaalada Kismaayo.

Taliyaha ciidamada dambi baarista Jubbaland, Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shaqsigan oo lagu magacaabo C/fitaax Xaashi Cabdi uu ka mid yahay Al-shabaab, lalana soo qabtay walxaha qarxa.

Waxa uu tilmaamay inuu damacsanaa in walxahan qarxa lagu dhibaateeyo shacabka Jubbaland inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Taliyaha ayaa dhanka kale ugu baaqay shacabka Jubbaland iney soo sheegaan cid walbo oo ay u arkaan iney wax u dhimayso amniga magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso: