U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidamadii ONLF Oo Lagu Biiriyey Kuwa Somali State

Sheeko:Amniga

Ciidamadii ay lahaayeen Jabhadda ONLF ee dhowaan heshiiska la gashay dowladda federaalka Itoobiya ayaa haatan waxaa lagu biiriyey kuwa Somali State.

C/qaadir Hirmooge waa afhayeenka Jabhaddan, wareysi uu goor dhow siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in tani ay qeyb ka tahay fulinta qaar ka mid ah heshiisyadii lala galay dowladda Itoobiya.

Hirmooge ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar sheegayey in hub ka dhigis lagu sameeyey ciidankooda, wuxuuna tilmaamay in hadda ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sugista ammaanka.

Sidoo kale, Hirmooge ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladda Itoobiya dhankeeda ay fuliso dhammaan waxyaabihii ay jabhaddaasi kula heshiisay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News