U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Wada Deegaanka Buulo-mareer, Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta howlgal ballaaran ka wadaan deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka ayaa ku faafay qaar ka mid ah xaafadaha deegaankan, balse lama sheegin cid ay kusoo qabteen howlgalkan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa u sheegay Goobjoog in ay ku raad-joogaan rag ka mid ah Al-shabaab oo xalay weerar ka geystay deegaanka Buulo-mareer.

Dagaalkii xalay dhacay waxa uu ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday rasaas culus, inkastoo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News