U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidanka Kenya Oo Xabsiga Dhigey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gedo

Sheeko:Dalka
Ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Mandhera ayaa shaley galab waxay qabteen,islamarkaana xabsiga ay u taxaabeen Ibraahin Guuleed oo ah Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo Korneel Warfaa Sheekh Aaden Faroole oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada DF ee Gobolka Gedo, xilli Labadan mas’uul oo ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ay ku sii jeeden dhinaca magaalada Nairobi ee dalka kenya.
Sahal Macalin Aden oo ah Guddoomiye ku xigeenka xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa Goobjoog u xaqiijiyey xarigga Labadan mas’uul, isagoo ugu baaqey mas’uuliyiinta degmada Mandhera in ay xabsiga kasii daayaan.
Lama oga illaa iyo iminka sababta ka dambeysay in xabsiga ay ciidanka Kenya dhigaan Labadan mas’uul.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News