U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xabsiga Dhigay Rag Hoggaaminayey Dagaallo Ka Dhacay Wanlaweyn

Sheeko:Amniga

Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah raggii hoggaaminayey dagaallo ka dhacay degmadaasi.

Yuusuf Baalow, guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in maleeshiyaadkii dagaallamay ay ka firxadeen magaalada, qaarna la qabtay kuwo kalena lagu raad joogo.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in meelihii ay maleeshiyaadkan ku dagaallameen ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka, xaaladuna ay tahay mid deggan.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootey dagaalkan, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, waxayna maleeshiyaadkan isku hayeen goob lacagaha isbaarada looga qaado gaadiidka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News