U bood dhigaalka

Dhageyso: Cudurro Ka Dillaacay Gobolka Gedo

Sheeko:Caafimaadka

Masuuliyiinta deegaanka Gerileey ee Gobolka Gedo oo Codsadey Gurmad Daawo.

Ilaa lix qof ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunno kala duwan ugu geeriyooday deegaanka geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo, una dhow Xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli xarumo caafimaad oo shaqeeya aanay ka jirin deegaankaasi.

Hilowle Maxamed oo ah Guddoomiye Ku xigeenka deegaanka Gerileey oo la hadlayey Goobjoog News ayaa sheegay dadka deegaanka xilligan in ay wajahayaan Cuduro soo ridanaya,kuwaasi oo qaarkood ay u dhinteen ,halka kuwa kalena ay u jiifaan,waxuuna ka Codsadey hay,adaha Samafalka iyo Waxgaradka Gobolka in ay gurmad bini,aadinimo ay la soo gaaraan dadka deegaanka.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News