Dhageyso: Dabageed Oo Baaq Nabadeed u Diray Beello Ku Dagaallamay Deegaanno Ka Tirsan Hiiraan

Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ugu baaqay iney dagaallada joojiyaan beello walaalo ah oo isku haya deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wuxuu dabageed sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dagaallada sidan oo kale ah kusoo noq-noqdaan gobolka Hiiraan.

Dabageed ayaa sheegay in muddo badan ay isku dayeen sidii loo xallin lahaa colaadahan, balse ay jiraan dad dano gaar ah leh oo hadane diidaya iney nabad dhacdo.

Si gaar ah, Yuusuf Dabageed wuxuu ula hadlay beelaha is dagaalaya oo uu sheegay iney laynayaan shacabkooda, taas bedalkeedna looga baahan yahay iney nabadda ka shaqeeyaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW