U bood dhigaalka

Dhageyso: Dad Gaajo iyo Haraad Ugu Geeriyooday Deegaana Hoostaga Degmada Jowhar

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid ah deeganada Hoostaga magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa laga soo warinaya in ay ka jirto Abaar aad u daran .

illa iyo hadda inta la xaqiijiyay Seddax ruux oo isugu jira carruur iyo dad da’ah ayaa Haraad iyo baahi ugu dhintay deegaan hoos taga degmada Raage ceelle .

Laba carruur ah oo mid ka mid ah uu yahay 7 jir , halka midka kale uu jir 13 sano iyo qof da’ah ayaa la xaqiijiyay in ay 48 saac ee la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen deegaana hoostaga Raaage Ceelle

Xasan Weli oo ka mid ah dadka deegaanka Raage ceelle ayaa GoobJoog uga waramay xaaladda deegaanka isagoo sheegay in xaalad Bini’aadanimo ay ka jirto deegaanka Raage Ceelle iyo deegaanada .

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xassan Weeli