U bood dhigaalka

Dhageyso: Dadkii Kasoo Barakacay Deegaanka Bariire Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Qoysas badan oo kasoo barakacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, soona gaaray deegaanka Siinka dheer ayaa xilligaan waxay u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Faadumo Macallin Isaaq oo ah guddoomiyaha kaamka ku yaalla deegaanka Siindheer ee dadkaan soo gaareen ayaa sheegtay in ay gaarayaan 78 qoys oo dhammaantood aan waxbo haysan.

Waxa ay tilmaantay in dadka aysan haysan hoy, raashiin iyo sidoo  kale Biyo, iyada oo tilmaantay in maalin iyo habeen ay ku sugan yihiin meel barxad ah.

Waxay Faadumo ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah lala soo gaaro shacabkaan kasoo barakacay deegaanka Bariire.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News