U bood dhigaalka

Dhageyso: Dadkii Ku Jiray Isbitaal Martiini ee Ka Bogsaday Coronavirus oo Ka warbixiyay Xaaladdooda Caafimaad

Sheeko:Caafimaadka

Bukaanno ku jiray isbitaal martiini kuwaas oo uu soo ritay safmarka COVID-19 islamarkaana la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay ka sheekeeyeen haatan xaaladooda caafimaad sida ay tahay iyo waxyaabihii ay ka kulmeen isbitaalka intii lagu dabiibayay.

Dadkaan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxa ay ugu horeyn sheegeen in haatan xaaladooda caafimaad ay tahay mid wanaagsan islamarkaana ay sidii hore aad uga fiicanyihiin iyaga oo badan kood sheegay in markii isbitaal Martiini la keenayay ay xaaladooda caafimaad ahayd mid aad u liidata.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in isbitaalka uu leeyahay daryeel fiican oo uu ka wanaagsan yahy sida markii hore ay fikir ahaan uga aamnisanaayeen islamarkaana ay heleen dhaqaatiir heegan ah oo si joogta ah ula tacaalayay xaaladooda caafimaad iyaga oo intaas raaciyay inay helayeen cunto aad u tayeysan.

Ugu dambeyn waxa ay bulshada kale ee ka cabsanaysa isbitaal Martiini ugu baaqeen inay tagaan isbitaalka si xaaladooda caafimaad loo daryeelo iyaga oo sheegay inay jiraan dad qaba xanuunka kuwaas oo guryaha fadhiya.

Halkaan ka dhageyso codkooda

Goobjoog News