U bood dhigaalka

Dhageyso: Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka dhacay maleeshiyaad ku sugnaa waqooyiga magaaladaasi.

Maleeshiyaadkan ayaa isku qabsaday dhul ku yaalla halkaasi, waxaana dagaalkan uu socday in ka badan Laba saacadood.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintey Labo qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay.

Ciidamada xasilinta ee DFS ayaa la sheegay in markii dambe ay kala dhexgaleen maleeshiyaadkii ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo.

Xaaladda guud ee halkii lagu dagaallamay waa mid aad u deggan, waxaana socota dedaallo kale oo ay wadaan waxgaradka si wadahadal loogu dhammeeyo waxa ay maleeshiyadan isku haysato.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News