U bood dhigaalka

Dhageyso: Deegaannada Baardheere Iyo Diinsoor Oo Ay ka Dilaaceen Cudurrada Xoolaha

Sheeko:Dalka

Qoysaska ku dhaqan deegaannada hoos yimaada degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor ayaa ka cabanaya xanuuno  aan la aqoonin oo soo fuud saaray xoolahooda.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in deegaannada Miyiga xoolaha ku dhaqan ay haatan la il daranyihiin xanuuno aan la aqoonin kuwaasi oo xoolaha dilaya, xanuunadaan ayaa waxaa la tilmaamay in ku dhacayaan Geela.

Waxgaradka iyo odoyaasha deegaannada Baardheere iyo Diin soor ayaa sheegay in xaala dhaqata ay xilligan wajahayaan xaalado adag oo ay ka mid yihiin xoolaha oo u dhimanayo cudurro aan la aqoonin gaar Geela.

Dadka xoolo dhaqataha ayaa waxay codsanayaan in lala soo gaaro dawooyinka xoolaha oo ay sheegeen in haddii ay xaaladdan sii jirto keeni karto in xoolo badan ay dhintaan.

 

 

 

 

Goobjoog News