U bood dhigaalka

Dhageyso: DFS Oo Laga Dalbaday Sii Deynta Taliye u Xiran 20 Cisho

Sheeko:Amniga

Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ayaa dalbaday i lasii daayo taliyahii ciidamada degmadaasi oo ku dhowaad 20 cisho ku xiran magaalada Muqdisho.

Faarax C/nuur Turbac, taliyaha ururka 49-aad, guudtada 10-aad ee qeybta 43-aad ayaa loo haystaa bixinta ammarkii lagu diley 6 qof oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo aan wax maxkamad ah iyadoo aan lageyn la toogtay.

Maxamed Sheekh Cali, waxa uu ka mid yahay saraakiisha cidanka xoogga dalka ee degmada Baardheere, waxa uu sheegay isaga oo la hadlay Goobjoog, in madaxda dowladda federaalka ka codsanayaan in lasii daayo taliyaha.

Waxa uu sheegay in gadoodka maalmihii ugu dambeeyey ciidamada ka sameeyeen degmada Baardheere ay sabab u tahay xarigga taliyaha.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News