U bood dhigaalka

Dhageyso: DFS Oo Madaxda Galmudug Ugu Baaqday Iney Yimaadaan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda ugu sarreysa Galmudug in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si looga wadahadlo khilaafka jira.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay khilaafkan.

Dowladda federaalka ayuu sheegay iney wadday dedaal badan oo ku aadan sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka, balse Labadii dinac ay magaalada Muqdisho ka tageen iyadoo aan wadahadalka dhammaan.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Labada dhinac ee Galmudug in ay kusoo laabtaan magaalada Muqdisho sii loo sii ambaqaado wadahadallada.

Sidoo kale, wasiir Sabriye ayaa sheegay in aanu xal ahayn khilaafka ka dhexjira madaxda Galmudug, ayna muhiim tahay in loo adeego shacabka Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News