U bood dhigaalka

Dhageyso: DFS Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Ciidankii Uu Tababaray Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxay ula wareegtay ciidankii uu magaalada Muqdisho ku tababaray Imaaraadka Carabta, agabkooda iyo sidoo kale xeradii ay ku tababaranayeen ee Jeneraal Gordon.

Munaasabad ay dowlada Soomaaliya ay kula wareegtay ciidamadaas ayaa ka dhacday xerada Janaraal Gordan waxaana ka qeybgalay saraakiil ka irsan ciidanka xoogga dalka.

Abaanduulaha Ciidamadda Xooga Dalka ahna kusimaha taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Cabdullahi Cali Caanood, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in si rasmi ay ay ula wareegeen xeradan iyo Agabkii Milatari ee Yaallay.

“Saraakiishii Imaaraadka ee dugsigan maamuleysay waxay si buuxda taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ugu wareejiyeen maamulkii dugsiga, waxaan la wareegnay dhammaan wixi dhisme ahaa ee dugsiga lahaa, waxaan la wareegnay qeyb gaadiid ah oo ay inoogu deeqeen, gaadiidka halkaas ka muuqda oo isugu jira mid xamuul ah iyo mid Cabdi Bilaha Soomaalida u taqaano iyo Ambalaasyo wey inagu wareejiyeen saraakiisha Imaaraadka, waxaana iska leh ciidanka deggan dugsiga Jeneraal Gordon oo hadda loo bixiyey guutada Daljir” ayuu yiri abaanduulaha.

Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan shaacisay iney joojisay tababarradii iyo taakuleyntii ay siin jirtay ciidanka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News