Dhageyso: Dhallinyaro Dayactir Ka Bilaabay Waddooyinka Isku Xira Doolow Iyo Baladxaawo

Dhallinyaro is xilqaantay oo degan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa bilaabay in si iskood ah ay dayactir ugu sameeyaan qaar ka mid ah Waddooyinka bur bursan ee ku yaalla gudaha degmadaasi.

Waddooyinka la dayactiray ilaa iyo hadda ayaa ah waddooyinka isku xira degmooyinka Doolow,Luuq Iyo Garbahaarey.

XasanCabdulle oo guddoomiyaha Dhallinyaradan ayaa Goobjoog News u sheegay in aysan jirin cid shaqadaan ka caawineyso balse iyaga ay garwaaqsadeen in dhisaan waddooyinka burbursan ee isku xira Doolow, Luuq iyo Garbahaarey.

Waxaa uu tilmaamay in waddooyinkan ay ka muuqdaan dayac aad u tiro badan, ayna dhib ku qabaan dadka Shacabka ah ee isticmaalo.

 

 

 

 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW