U bood dhigaalka

Dhageyso: Dibadbax Maalintii Saddexaad Ka Dhacay Degmada Kaxda

Sheeko:Amniga

Dadweyne kasoo horjeeda maamulka degmda Kaxda ayaa dibadbax ballaaran waxay maalintii Saddexaad oo xiriir ah ka dhigeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmadasi.

Dadkan ayaa sheegay in maamulkaan uu sabab u noqday dilka Labo qof oo ay sheegeen in kaalin mug leh ka qaateen amniga degmada Kaxda, balse maamulkaasi ku sheegeen burcad waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Waxa ay sheegeen dadkaan in ay ka dalbanayaan maamulka gobolka Banaadir in la bedalo guud ahaan maamulka degmada Kaxda, iyaguna ka shacab ahaan aanay raali ka ahayn in xubnaha ugu sarreeya maamulka sii joogaan.

Sidoo kale waxay sheegeen shacabkaan in dibadbaxa sii wadi doonaan tan iyo inta maamulka degmadaasi laga bedalayo.

Goobjoog News oo qadka taleefanka ka wacday guddoomiyaha degmada Kaxda si eedeymaha maamulkiisa loo haysto wax uga weydiinno ayuuna ka jawaabin taleefanka.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News