U bood dhigaalka

Dhageyso: Digniin Loo Direy Dhallinyaro Dhib Ku Haya Shacabka Garoowe

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka hadlay howlgallo ay maalmihii ugu dambeeyey ka sameeyeen magaaladaasi.

Jeneraal Muxyadii Axmed Muuse oo ah taliyaha ciidanka xasilinta Garoowe ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin dhallinyarada dhibka ku hayso magaalada.

Wuxuu tilmaamay taliyaha in hadda ay dad kusoo qabteen howlgalladii ay sameeyeen, kuwo kalena ku raadjoogaan.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhallinyarada dhibka geysata islamarkaana ka cararta magaalada usoo qaban doonaan waalidkii dhalay.

Waxaa Garoowe si aad ah ugu soo batay falalka amni darri, iyadoo dhallinyaro mindiyo ku hubeysan ay dhib ku hayaan dad shacabka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News