U bood dhigaalka

Dhageyso: Diyaar Garowga Ciidda Ee Suuqyada Garoowe

Sheeko:Dalka

U diyaar garowga ciidda ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaana camiran suuqyada magaalada.

Nuucyada kala duwan ee Kabaha iyo dharka ayaa la keenay Suuqyada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxayna dadka ku mashquulsanyihiin gadashada dharka.

Waalidiinta ayaa ilmahooda u gadaya dharka Ciidda iyaga oo doonaya in ay ka farxiyaan caruurtooda iyaga oo intaas u dheer in loo iibiyo agabkii ay ku ciyaari lahaayeen.

Ganacsatada iibiya dharka ayaa Goobjoog News uga warramay sida uu yahay ciidaan dhaqdhaqaaqa Suuqyada Garoowe iyo isa bedelka u dhaxeeya sanadkan iyo kii hore.

Xasan Axmed Cabdi oo ka mid ah ganacsatada dharka iibisa ee Garoowe ayaa ka waramaya xaaladda Suuqa waxaa uuna yiri.

“Ciidda dhulka waa barwaaqo magaalada si wanaagsan ayaa looga ciidayaa waxaan helnay ciiddaan macaash badan “.

Alaabaha ciidaa Suuqyada la keeno ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha ay caruurta ku ciyaaraan si looga farxiyo maalmaha farxadda.

 

 

 

Goobjoog News