U bood dhigaalka

Dhageyso: Dood Ku Saabsan Go’aankii Maamullada Iyo Saameynta Ka Dhallan Karta, Masuuliyaddase Yaa Iska Leh?

Sheeko:Amniga

Dooddani oo ay idiin soo baahineyso Goobjoog News waxaa lagu lafa-gurayaa go’aankii maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah Jubbaland ay ku gaareen gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee shanta ah.

Shirka madaxweynayaasha dowladaha shanta ah ee dalka ee qeybta ka ah dowladda dhexe Madaxweyneyaasha kala ah  Axmed Islaam Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan , Axmed Ducaalle Xaaf, Cabdiwali Cali Gaas iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa talaadadii la soo dhaafay illaa maanta shir uga socday magaalada Kismaayo.

Gollaha iskaashiga ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta oo ay lahaayeen madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo eedo culus u dhiteeyay xukuumadda uu hoggaamiyo maadxweyne Maxamed Farmaajo.

Dooddani waxaa naga la qeyb galaya Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya iyo Falanqeeye Cali Saciid Maxamuud Kulane(Foodare) oo kamid ah barayaasha jaamacado ku yaalla magaalada Muqdisho.

Caqabadaha khilaafku uu ku yeelan karo hormarradii la doonayay in laga gaaro xagga amniga iyo in arrintani ay wiiqi karayso doorashooyin cod iyo qof ah oo Soomaaliya ka qabsooma 2020-ka waa qodobo kamid ah kuwa doodda ay Goobjoog News ku qaadaa dhigtay.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News