U bood dhigaalka

Dhageyso: Dood kulul oo ku aadan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxaa dhawaan banaanka usoo baxay khilaaf u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Khilaafkaan ayaa banaanka yimid ka dib markii Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu sameeyay isku shaandheyn ku aadan golaha wasiirada, waxaana Madaxweynaha uu qaadacay arintaasi.

Hadaba Goobjoog Fm ayaa qabatay dood xiiso badan oo ku aadan khilaafkaan, sababtiisa, waxa laga dhaxli karo iyo sida loo helayo xalka.

Waxaa doodeena maanta ka qeyb qaadanaya Pro Yaxye Cali Ibraahim iyo Xildhibaan Cabdi Ladhiif Muuse Nuur oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana dooda daadihinaya wariyaheena C/fitaax Xasan Axmed Kalgacal.

Halkaan hoose ka dhageyso dooda.

Goobjoog News