U bood dhigaalka

Dhageyso: Dowladda Iyo Alshabaab Oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaalkii Afgooye

Sheeko:Amniga

Hoggaanka Booliska dowladda federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay weerar Al-shabaab ay ku qaadday degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30 KM.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaarihii ka dhshay weerarkii xalay Alshabaab ay ka fulisay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku ekeeyay fariisin ciidamada daraawiishta ee qeybta ka ah booliska dowladda federaalka ay ku leeyihiin degmadaasi.

War rasmiya oo ka soo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in Xarakadu ay ku dileen dagaalkaasi askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Hadalka Alshabaab ka soo baxay waxaa ganafka ku dhuftay taliska Booliska waxaana  Sarkaal u hadlay ciidamada booliska oo lagu magacaabay Khaasim Axmed Rooble  ayaa sheegay in Alshabaab ay ku fashilmeen ujeedka dagaalkii ay soo qaadday sida uu hadalka u dhigay.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News