Dhageyso: Dowladda Jubbaland oo Xukuumadda Federaalka Ku Eedeeysay Inay Ku Mashquulsan Tahay Facebook-ga

Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland Cabdirashiid Cabdinuur Janan ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka ah in ayaan waxba kala socon xaaladda ammaan ee ay ku sugan tahay Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in dowladdu aysan ka warqabin ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaalka ku jira, isagoo soo hadal qaaday Ciidamo lagu dilay Gobollada Jubbaland sida  Gedo iyo Jubbada Hoose oo Shabaabka weerarro qaraxyo ah ay la eegteen.

Wasiir Jannan ayaa tilmaamay in xukuumadda federaalka ah ay ku mashquulsan tahay oo kaliya baraha bulshada iyo dadka qoraallada ku qora Facebook-ga ee iyada buunbuuniya.

Dhanka kale, wasiirka amniga Jubbaland ayaa sheegay in dowladda aynaan waqtigani  la socon waxa ka socda dalka sida kan wax dilay iyo kan la dilay, kaliyana ku mashquulsan tahay barahaasi bulshada.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW