Dhageyso: Dowladda Oo Loogu Baaqay Iney Dalka Ka Dhaqan Geliso Sharciga Burcad Badeedda

Dowladda federaalka waxaa ku adag inay lasoo wareegto maxaabiista burcad badeednimada ugu xiran caalamka iyadoo dowladdu aysan lahayn sharciga burcad badeedda ee la yiraahdo (Piracy Low).

Agaasimihii hore ee la dagaallanka burcad badeedda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir Duceysane ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News, ku sheegay in la’aanta sharcigaasi dowladdu aysan xaq u lahayn in ay la soo wareegto maxaabiista burcad badeednimada loogu heysto dalal adduunka kamid ah.

Waxaa uu tilmaamay in Piracy Low-ga haddii aynaan dowladdu lahayn aan loo fasixi karin inay maxaabiisteeda la wareegto ayna haboon tahay in sharcigani dalka laga dhaqan geliyo.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay dardargeliso sharciga burcad badeedda si dhallinyarada dalka dibaddiisa ku xiran dalka loo keeno.

Dhallinyaro badan oo burcad badeednimo loo heysto ayaa ku xiran adduunka waxaana qaarkood la soo sheegayaa inay xaaladdoodu tahay mid adag.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW