U bood dhigaalka

Dhageyso: Ehlada Bajaajle Lagu Diley Muqdisho Oo DFS Ka Dalbday Cadaalad

Sheeko:Amniga

Ehlada wiil Bajaajle ah oo saakay askari ka tirsan dowladda Hoose ee Xamar ku dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigii falkaasi ka dambeeyay.

Maxamed C/laahi oo ay isku hooyo yihiin Allaha u naxariistee marxuum Maxamed C/kariin ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in dowladda ay ka doonayaan in loo soo xiro askariga falkaasi geystay, sidoo kalena maxkamad lasoo taago.

Wuxuu sheegay in askarigan uu Laba xabad ku dhuftay walaalkiis, Labadana ay madaxa ka haleeshay.

Maamulka degmada Waaberi weli kama aanu hadal arrintan, iyadoo ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgallo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News