U bood dhigaalka

Dhageyso: Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan diyaarad Milatari oo kusoo dhacday Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

DuqeynFaahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa diyaarad dagaal oo ku dhacday duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Diyaaradan waxaa iska leh dowladda Kenya waxaana ay ku dhacday deegaanka lagu magacaabo Buulo-gaduud kaa oo ku dhaw magaalada Kismaayo.

David Obonyo oo ka tirsan Militariga Kenya ayaa sheegay in diyaaradda ay bur burtay kadib howgal ay ka fulisay deegaanka Jamaame, diyaaradda waxaa helay cillad farsamo ayuu intaa ku daray.

Colonel Obonyo ma sheegin in ciladda in rasaas kasoo gaartay iyo in kale balse Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay diyaaradaasi soo riday.

Balse afayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ay iyagu soo rideen diyaaradan ka dib markii ay la haleeleen gantaal, sida uu hadalka u dhigey. Waxa uu Afhayeenka sheegey in diyaaradda ay kusoo rideen deegaanka Buulo Guduud.

Dhanka kale wararka deegaankaas maanta laga helayo ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan ka dib dagaal halkaa ka dhacay.

Halkaan Hoose ka dhageyso

 Goobjoog News