U bood dhigaalka

Dhageyso Falanqeyn ku Saabsan 10 Sano Kadib Dhulgariirkii Sunaami

Sheeko:Dalka

SunaamiShalay waxaa adduunka meelo kala duwan laga xusey 10 sano guuradii kasoo wareegtey markii adduunka uu ka dhacay dhulgariirkii loogu magacdaray Sunaami.

Meelaha uu dhulgariirkani badda ka biloowdey ku dhuftey waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana arrintani falanqeeyey Ustaad Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog.

Isagoo la hadlayay barnaamij wareedka Goobjoog ee fiidnimo ayuu sheegey in 3 boqol oo kun oo qof ay ku dhinteen masiibada, 5 kun oo ka mid ah ay ahaayeen dad dalxiisayaal ah oo u dalxiis tagay xeebaha ay badda kusoo fatahday.

“8 dal ayuu dhulgariirka ku dhuftey waxaana ka mid ah Indonesia, Malesia, India, Maldaves, Thainland, Srilanka, Bangaladesh, iyo Soomaaliya” ayuu yiri Gurbiye oo intaasi ku daray in Soomaaliya aanan wax weyn laga qabanin dhibaatadii dhulgariirka ka dhalatay, islamarkaasina aysan jirin wax u diyaargaroow ah masiibooyinka kuwaasi oo kale ah marka ay dhacaan.

Dhageyso

Goobjoog News