Dhageyso: Falanqeyn Ku Saabsan Khilaafka Dowladda Iyo Maamullada Oo Gaaray Meeshii U Sarreeysay

Aqoonyahan Faysal Rooble oo ah fallanqeeye siyaasadda Soomaaliya iyo tan caalamka ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga warramay xalka khilaafka ka dhex aloosan wali dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah marka laga reebo Hirshabeelle iyo sidoo kale caqabadaha ka dhallan kara haddii xaaladdu sidaan u sii taagnaato.

Wuxuu sheegay in khilaafka haatan taagan aan looga maarmin wada hadal labada dhinac ay isugu yimaadaan si ay xal uga gaaraan tabashooyinka jira.

Fallanqeeye Faysal oo soo hadal qaaday wararka sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka taagan tahay musharrixiin u hardamaya doorashada madaxtinimada ee qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayuu tilmaamay haddii arrintaasi dhab noqoto ay tahay foolxumo ku dhacaysa aqalka Madaxtooyada.

Waxa uu ku eedeeyay xukuumadda federaalka in ay la wareegtay shaqadii gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, arrintaasoo uu ku sifeeyay in ay keeni karto dib u socod iyo in dalku halkii la doonayay ee horumarka ahaa aanu gaarin.

Dhanka kale, aqoonyahanka oo aynu su’aalnay shirkii Garoowe ayaa sheegay in madaxda gollaha iskaashiga ay xaajadoodu u muuqato qalad qalad ku sax maadaama buu yiri qodobada ay soo saareen ay ku jiraan kuwa jiritaanka Soomaaliya wax u dhibaya.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayuu sheegay in masuuliyadda ugu horreeysa uu leeyahay islamarkaana uu u soo jeedinayo in si degdeg ah gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu wada hadal ula furo isagoo shaqada kala wareegaya wasiirkiisa koowaad Xasan Cali waa sida uu aqoonyahan Faysal Rooble hadalka u dhigay.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW