U bood dhigaalka

Dhageyso: Fallanqeyn, Khilaafka Madaxda DF

Sheeko:Amniga

Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay doorashadii madaxtinimo ee Ka qabsoontay magaalada caasimad goboleedka Baay ee Baydhabo iyo khilaafka u sarreeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Garyaqaanka oo ugu horreeyn doorashada Bayshabo aynu wax ka weydiinnay ayaa sheegay in hadda ay muhiim tahay oo kaliya madaxweynaha la doortay mudane Cabdicasiis Xasan “Lafta Gareen” inuu ka shaqeeyo isu keenidda dadka madaxda u yahay ee ku nool gobolka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu hoosta Ka xariiqay in talada Xukuumadda Xamar uu ka hormariyo danta Shacabka uu madaxweynaha u yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame ayaa wax ka weydiinnay khilaafka u dhaxeeya madaxda u sarreeya dowladda FS iyo hal u helidda khilaafkaasi.

Waxaa uu tilmaamay in ay wanaagsan tahay xal u helidda khilaafkani saameeyay howlihii hay’adaha dowladda.

Saameeynta khilaafkani ku yeeshay shaqadii hay’adaha dowladda waxaa kamid ah; in ay hakad galeen fadhiyadii gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen magaaladani Muqdisho iyo kuwa kale.

Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka aqalka hoose ee sharci dejiyeyaasha iyo xukuumadda ayaa waxaa uu ka dhashay kala daristii guddiga maaliyadda, go’aankii dib Afhayeen Mursal uu ku sheegay in guddiga ay dib u wataan shaqadooda iyo hindisaha mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Maxamed Farmaajo.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News