Dhageyso: Caalim “Dowladda Dhexe Iyo Maamullada Oo Wada Shaqeeya Ayaa Meesha Ka Saari Kara Faragelinta Shisheeye”

Diplumasi Soomaaliyeed ayaa sheegay in faragelinta shisheeye ay ku yaraan karto wada shaqeyn fiican oo dhexmarta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Diplumasi Maxamed Maxamuud Nuur ayaa sheegay inay jirto faragelinta shisheeye ee maanta uu ka dhawaajiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, islamarkaana ay muhiim tahay inuu kalsooni ka helo madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in wada shaqeyn dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay meesha ka saareyso faragelinta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu u jeediyay in si taxadar leh oo aan dareen kacsanaan ah ku jirin uu ula macaamilo dowladaha gobolka ee Afrika.

Halka hoose ka dhageyso:

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW