U bood dhigaalka

Dhageyso: Gabdhaha aan aqoon qorista farta Soomaaliga ee hadana nolol maalmeedkooda ka raadsada Muqdisho (Warbixin)

Sheeko:Dalka

Farxiya Cabdalla MuuminMagaalada Muqdisho waxaa ku nool qoysas danyar ah oo noloshooda liidato, awoodna aan u lahayn in ay wax baraan caruurta ay dhaleen.

Inta badan Qoysaskan aynu soo sheegnay waxaa u qaraab taga caruurtooda oo ay ugu horeeyaan Gabdhaha, kuwaa oo shaqooyin kala duwan dhibna wata magaalada usoo aada.

Iibinta Bacda, Wareejinta Looska, Sisinta iyo Cabitaan bac lagu xiray ayeey gabdhuhu badi kasoo saaraan Quudka maalintaas ee Reerka.

Dhibka gabdhahaan ay qabaan waxaa ugu horeeya inay waxbarasho seegeen iyaga oo yar yar asaagoodana ay ka hareyn.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku arkaysaa gabdho aan aqoon akhriska iyo qorista Farta Soomaalida, marka aad weydiisaana kuu sheegayaan in ay la daadaal dhacayaan dabarka nolosha reerkooda, waxbarashadana ay halkaasi ku iloobeyn.

Caasho Salaad Jimcaale oo 19-sano jir ah, waxa ay loos iyo Bac ku wareejisaa nawaaxiga Km-4 ee Magaalada Muqdisho, waxay inoo sheegtay in aysan aqoon qoris iyo Akhris intaba, waxaana ay hadalkeeda raacisay in mararkii fariin loo soo qoro ay u kaashato gabdho kale, maadaama aysan aqoon qorista iyo Akhriska Soomaaliga.

Waxa ay sheegtay in ay u xamaasho 6-caruur ah oo Agoon ah, iyaduna la dhashay iyo sidoo kale Hooyadeed, waxaana ay sheegtay in aysan xilligaan usoo jeedin wax barashada sababtoo ah qarashka ay hesho ayeey ku sheegtay in maalintaasi dabka lagu shubto.

Dhanka kale Gabdhaha wax bartay ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo u istaagay in ay wax baraan gabdhaha iyagu aan awoodin in ay wax bartaan.

Fartuun Cismaan, waa gabar dhameysatay Waxbarashada sare, waxay inoo sheegtay in ay aad uga xuntahay gabdhaha Soomaaliyeed ee aan wax baran, waxaana ay sheegtay in ay diyaar u yihiin in qeyb ka mid ah waqtigooda ay siiyaan sidii ay wax ku bari lahaayeen gabdhaha Soomaaliyeed ee aan helin fursadda waxbrasho.

Sidoo kale Deeqo Xaashi oo ah Macalimad wax ka dhigta Iskuul ku yaala magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegtay in ay bilaabeen sidii ay wax ku bari lahaayeen gabdhaha Soomaaliyeed ee guryahooda ku sugan in ay wax baraan, si loo helo gabdho wax bartay oo waliba isku kalsoon.

Magaalada Muqdisho reeraha danta yare e ku nool waxaa nolol maalmeedka ay dabka ku shubtaan inta badan u shaqeeya gabdhaha ay dhaleen kuwaa oo mararka qaar dhibaatooyin kala kulma shaqooyinka ay hayaan.

Warbixintaan oo Maqal ah Hoos ka dhageyso, waxaana inoo diyaarisay Farxiya Cabdalla Muumin.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News