Dhageyso: Galmudug Iyo Saraakiil Maraykanka Ah Oo Ka Shiray Arrimo Ku Saabsan Ammaanka

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiil Maraykan ah ayaa kulan ku yeeshay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana kulankaan uu ahaa mid looga hadlayey arrimo ku aadan ammaanka iyo sidoo kale diyaarinta xarun ay degaan ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maxamuud Cismaan Cabdulle oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in kulankan ay wadayeesheen madaxa xukuumadda Galmudug, guddoonka baarlamaanka maamulkaasi iyo saraakiishan ka socday Maraykanka.

Waxa uu tilmaamay afhayeenka in la isla gartay ciidamada Danab howlgallo ay ka billaabaan deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Maraykanka ay ballanqaaday in Galmudug ka caawiyaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW