U bood dhigaalka

Dhageyso: Galmudug “Ma Jirto Itoobiyaan Fariisin Ka Sameystay Guriceel”

Sheeko:Amniga

Xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan oo ka baxay gobolka Hiiraan ay fariisimo ka sameysteen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa warkaasi waxaa gaashaanka ku dhuftay xukuumadda Galmudug.

Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo waereysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ahaayeen ciidamo ay ka war qabeen.

Wuxuu meesha ka saaray in fariisin ciidan ay ka sameeysteen degmada Guriceel, haseyeeshee wuxuu qiray in dhowr saac ay ku hakadeen degmada iyagoo sii maray degmada Balanbal.

Wasiir xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan ayaa intaas ku daray in ay ka gudbeen xuduudka oo ay Itoobiya gudaha u galeen.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News