U bood dhigaalka

Dhageyso: Golaha Shacabka Oo Loogu Baaqay Iney Doortaan Shaqsi Karti Leh

Sheeko:Dalka

Aqoonyahannada Soomaaliyeed qaarkood ayaa ugu baaqay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iney doortaan shaqsi karti u leh isbedal buuxda oo la sameeyo iyo iney socoto howlaha shaqo ee golaha.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in 11-ka musharrax ee u taagan xilka guddoomiyaha aanay dhammaantood wada guuleysaneyn, balse looga baahan yahay xildhibaannada in shaqsigii dalkan wax u qaban lahaa ka dhex xushaan musharraxiintan.

Waxa uu tilmaamay Aqoonyahankan sidoo kale in xildhibaannada waajib ka saaran yahay cidda ay dalka iyo dadka u doorayaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News