U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddiga Amniga Puntland oo Ka Hadlay Awaamiirtii Bandowga ee Dhinaca Amniga

Sheeko:Amniga

Guddiga amniga Puntland ayaa waxa ay ka shireen sidii deegaanada maamulkaas looga hirgaliyay awaamiirta bandowga ee dhanka amniga waxaana guddiga uu sheegay in awaamiirtaas ay u hir galeen sidii loo baahnaa.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu baaq u jeediyay ganacsatada sida qarsoodiga ah qaadka ku keena Puntland waxaana ganacsatadaas loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka puntland Cabdulaahi Cabdisaalaan Xasan oo shir jaraa,id Garoowe ku qabtay ayaa sheegay in awaamiirtii maamulka Puntland ee dhanka amniga la fuliyey si looga hortago Coronavirus waxa uuna sheegay cidii jabisa awaamiirtana talaabo laga qaadidoono

Dhanka kale Puntland waxay mar kale amarro dul dhigtay masaajidda Maamulkaas waxaana la mamnuucay in masaajidda lagu dukado salaadaha jameecada ah.

Halkan ka dhageyso codka wasiir ku xigeenka amniga Puntland

Goobjoog News