U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddiga Doorashada K/galbeed Oo Faahfaahiyay Shuruudaha

Sheeko:Amniga

Guddiga doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in Axadda maanta ahayd ay billaabatay araaji qabashada xilka madaxweynenimo.

Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo 17-ka bishani ayaa waxaa ku loollamaya siyaasiyiin kale duwan oo uu ku jiro guddoomiye xigeenkii hore ee Xarakada Alshabaab Mukhtaar Rooboow Mansuur.

Xildhibaan Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo kamid ah xubnaha guddiga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa wareysi uu caawa siiyay Masraxa Goobjoog News wuxuu ku sheegay in aynaan jirin faragalin lagu hayo doorashada.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo maalmihii dambe ay soo baxayeen eedeymo la xiriira in xukuumadda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaaladani Muqdisho ay faragalin ku heysto doorashada madaxtinimada ee Baydhabo.

HOOS KA DHAGEYSO:

Goobjoog News