U bood dhigaalka

Dhageyso: Haweenka Soomaalida Itoobiya Oo Fariin Degdeg Ah u Diray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Sheeko:Amniga

Haweenka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay si kulul uga hadleen dagaallada ka socda dalkaasi, kaasi oo u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida.

Waxay haweenkan cod dheer ku sheegay in shaar dowladeed lagu laayey carruurtooda, waxaana ay ku baaqeen in gurmad degdeg ah lala soo gaaro.

Sidoo kale, haweenkan ayaa sheegay in Soomaali ahaan loo ugaarsaday oo habeen iyo maalinba weerar lagu haayo, raggiina la laayay.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo beesha caalamka ayeey ugu baaqeen in gurmad degdeg ah loo soo fidiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News