U bood dhigaalka

Dhageyso: Jabhadda ONLF Oo Rajo Ka Muujineysa Wadallada Ay Asmaro Kula Leyihiin Itoobiya

Sheeko:Amniga

Jabhadda ONLF ayaa rajo ka muujisey in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo shir ay magaalada Asmara kula leeyihiin dowladda Itoobiya.

C/qaadir Hirmooge, Afhayeenka Jabhadda ayaa u sheegay Goobjoog News in hadda la gaaray xilligii isbedallada ee dalka Itoobiya.

Waxaa lagu wadaa todobaadyada soo socda in Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea uu ka qabsoomo heshiis u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ururka Jabhadda ONLF kaasi oo la doonyo in lagu dhameeyo dagaalka labada dhinac.

Kulan ay 5 July magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxay si rasmi ah liiska argagaxisada uga saareyn saddex urur.

Baarlamaanka ayaa u codeeyey in wixii  ka dambeeya 5 July aanay liiska argagaxisada ku jirin ururada kala ah ONLF, OLF iyo Ginbor 7.

Horey waxaa Ururuadan liiska uga saaray golaha wasiirada ee dowladda Itoobiya, iyadoo ulajeedka uu yahay in si nabadeed loo wadahadlo.

Wixii ka dambeeyey markii Itoobiya uu Ra’iisul wasaare u noqday Dr Abiy Axmed ayaa waxaa la dareemay isbedallo siyaasadeed oo aad u waaweyn.

 

Goobjoog News