U bood dhigaalka

Dhageyso: Kamaal Guutaale “ Madaxweyne Farmaajo Mar Walbo Waa Nin Isburinaya”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Kamaal Guutaale ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu yahay shaqsi kala hadlay, sidoo kalena uu sameeyey balan ka baxyo.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha waxyaabihii uu ballanqaaday ka mid hayad dib u dhiska meelaha qaraxyada ku burburaan, dadka soo sheega Al-shabaab oo lacago la siin doono, balse aanu waxbo ka qaban.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxweynaha dadka uu xilalka u dhiibto ay tahay dad kasoo horjeeda waxyaabihii uu sheegayey.

Dhanka kale, Kamaal waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hub badan geeyey magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News