Dhageyso: Khasaaraha Ka Dhashay Dagaallo Ka Socda Hiiraan Oo Kordhay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaal beeleed ka socda deegaanka Dudun Cad ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Maxamed Cabdi Cawaale, guddoomiyaha degmada Maxaas oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dagaalladan ay yihiin kuwo soo noqd noqday 48-kii saac ee lasoo dhaafay.

Waxaa ku dhintey in ka badan 10 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, waxaana weli taagan xiisadda Labada dhinac.

Guddoomiyaha Maxaas ayaa ku baaqay in cid walbo oo joojin karta dagaalladaasi u istaagaan joojintooda, xaaladdana la qaboojiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

 

Related Articles

31 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW