U bood dhigaalka

Dhageyso: Kulan Looga Hadlayey Amniga Hirshabelle Oo Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Amniga

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu qabtay kulan ballaaran oo looga hadlayey sida la isaga kaashan lahaa amniga guud ee deegaannada Hirshabelle.

Kulankaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle, waxaana ka qeybgalay maaamulka B/weyne, kan gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladaasi.

Ulajeedka kulankaan ayaa ah sida bulshada loogu wacyigelin lahaa ka qeybqaadashada ammaanka iyo la dagaalanka cid walbo oo wax u dhimeysa amniga guud ee Hirshabelle.

Guddoomiyaha Hiiraan, C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa sheegay in kulankaan uu yahay mid lagu xasilanyo Hirshabelle, wuxuuna sheegay in xasilinta kaliya aanay ahayn dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, balse ay qeybo badan leedahay, wuxuuna shacabka kula dardaarmay in kaalintooda qaataan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News