U bood dhigaalka

Dhageyso: Lafta Gareen Oo Maanta Xilka La Wareegaya

Sheeko:Amniga

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo munaasabad kooban oo uu xafiiska madaxweynaha maamulka K/galbeed kula wareegayo C/casiis Lafta Gareen oo 29-kii bishan loo doortay madaxweynaha maamulkaasi.

Waxa uu xafiiska kala wareegi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed oo xilkaasi si KMG ahaan u hayey wixii ka dambeeyey 7-dii November 20187, xilligaasi oo uu is casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Lafta Gareen ayaa si rasmi ah ugu wareegi doona madaxtooyada Baydhabo, waxaana maalmahan dambe uu wadey kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey xildhibaannada iyo sidoo kale siyaasiyiinta maamulkaasi.

Caleemo-saarkiisa kadib ayuu Lafta Gareen soo magacaabi doonaa golahiisa wasiirada.

Halkaan hoose ka dhageyso: