U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Deegaanka Lambar 50 Oo Ka Warbixyey Qarax Ka Dhacay Deegaanka Muuri, Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Maamulka deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Muuri ee gobolkaasi.

Axmed Taakow oo ah ku simaha guddoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

Wuxuu sheegay in qaraxan ay Saddex qof ku dhaawacmeen, kadib markii gaarigii ay la socdeen ku qaraxday Miinada.

Taakow ayaa intaasi ku daray in gaarigan uu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, kuna soo jeeday deegaanka Lambar 50.

Dadka waxyeellada soo gaartay ayuu tilmaamay in xaalad ahaan ay aad u liitaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News