Dhageyso: Maamulka Garasbaaley Oo Baco Roobka Looga Gambado u Qeybiyey Boqolaal Qoys

Maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu baco looga gambado roobka u qeybiyey 300 qoys oo barakacayaal ah kuwaasi oo uu saameeyey roobabkii saacadihii lasoo dhaafay da’ay.

Guddoomiyaha deegaankan, C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in gurmadkan uu yahay bilow, islamarkaana dadkan ay u baahan yihiin gurmad intaan ka weyn.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in kaalin weyn uu ka qaatay gurmadkan maamulka gobolka Banaadir, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dadkan ay aad u dhibban yihiin.

Roobabkii da’ay ayuu sheegay guddoomiyaha iney ku dhinteen Saddex carruur ah kadib markii ay la tageen daadadkii ka dhashay roobka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW