Dhageyso: Maamulka Hiiraan Oo Ka Deyriyey Xaaladda Dadkii Ka Barakacay B/weyne

Maamulka Hiiraan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday dhammaan qoysaskii ka barakacay magaalada B/weyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle.
Xoghayaha maamulkan, Cabdulle Nuur Guure ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News waxa uu sheegay in dadkan u baahan yihiin gurmad degdeg ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Samafalka ah ayuu ugu baaqay xoghaye Guure in shacabkaan dhibban lasoo gaaraan gurmad Bini’aadannimo.
“Dadku aad buu u dhiban yahay, magaaladii waa ay ka barakaceen, waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh” ayuu yiri Guure.
Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay magaalada B/weyne, iyadoo taasi ay keentay in shacabkii ay isaga barakacaan magaaladaasi.
Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:
Goobjoog News