Dhageyso: Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maanta Shir Uga Furmaya Baydhabo

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay uu shir uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shalay (Axad) waxaa magaaladaasi gaaray madaxweynayaasha maamullada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey halkaasi ugu sii sugnaa.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa inta uu socdo ammaanka guud ee dalka, siyaasadda iyo sidoo kale qeybsiga kheyraadka dalka.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo amnigane ay sugayaan ciidanka DFS, kuwa K/galbeed iyo AMISOM.

Halkaan hoose ka dhageyso wararkii ugu dambeeyey iyo wariyaheenna Warcadde.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW