Dhageyso: Maxaa Laga Filan Karaa Kulanka Madaxda Soomaaliya, Itoobiya Iyo Kenya?

Dr Cali Saciid Maxamuud Kulane oo aad ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaan geeska Africa ayaan wax ka weydiinnay waxa laga filan karo xilligan kulanka la filayo in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay Dr Cali Saciid in kulankaasi loo badinayo iney isku fahmaan Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu maalmahan dambe xumaa xiriirka Diblomaasiyaseed ee Labada dal.

Waxa uu sheegay in ay ahayd madaxda Kenya iyo Soomaaliya in ay ku kulmaan dal kale, balse safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi ay muujineyso niyad sami dhanka Soomaaliya ah, marka loo eego wixii ay fashay Kenya.

Dr Cali Saciid ayaa rajo ka muujiyey in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku guuleysto isku keenista Soomaaliya iyo Kenya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW